HomeWarkiiDuqeyn Alshabaab badan lagu laayay oo ka dhacay Gobolka Sh.dhexe

Duqeyn Alshabaab badan lagu laayay oo ka dhacay Gobolka Sh.dhexe

WAR-SAXAAFADEED

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ee deegaannada Cadow Jilib, Gayfo iyo Qordheere ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Duqeymaha ayaa lagu dilay 26 dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab. Sidoo kale, waxaa lagu burburiyay gaari Cabdibile ah iyo booyad shidaal oo ay Khawaarijtu u adeegsanayeen dhaqdhaqaaqyadooda iyo fulinta falalka argagixisanimo.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku baacsanayaan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab, laguna wiiqayo awooddooda abaabul iyo fulinta weerarrada argagixisanimo.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay u mahadcelinaysaa saaxiibada caalamka ee Soomaaliya kala shaqeeya la-dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale xaqiijinayaan inay sii wadi doonaan howlgallada lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab, ilaa laga ciribtiro khatarta ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

#Dhammaad

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -