HomeWarkiiDuqeyn culus oo lala beegsaday Alshabaab ku shirsanaa Deegaanka Abooreey

Duqeyn culus oo lala beegsaday Alshabaab ku shirsanaa Deegaanka Abooreey

BUULO-BURDE (DAYNIILE.COM)- Wararka ka imaanaya Magaalada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya uin xalay halkaasi uu ka dhacay Duqeyn culus oo lala eegtay  deegaanka Abooreey xili uu shir u socday masuuliyiin Alshabaab ka tirsan.

Macawisleyda Gobolka Hiiran ayaa laga soo xigtay in howlgalkani duqeynta ah ah uu guuleystay islamarkaana lala eegtay saraakiil Alshabaab ka tirsan oo shir ku lahaa guri ku yaal deegaanka Abooreey.

Duqeymaha ayaa la soo sheegayaa in khasaare xooggan lagu garsiiyay Alshababaabkii shiraray sida Macawisleydu sheegeen inkastoo warar madax bananaan aanan wali ka helin,sidoo kale Dowlada wali war kama soo saarin duqeymahaani.

Deegaanka Abooreey waxaa wali gacanta ku haya kooxda Alshabaab iyadoo la ogyahay in dagaalada ugu badan ay halkaasi ku dhexmareen ciidamada Dowlada iyo macawisleyda oo iskaashanaya iyo Alshabaab taasoo ay u sii dheertahay duqeymaha sidaas ay tahay Alshabab deegaankaani waa laga fujin waayay.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -