HomeWarkiiDuqeyn diyaaradeed oo lala beegsaday Alshabaabka ku sugan Degmada Xawaadleey

Duqeyn diyaaradeed oo lala beegsaday Alshabaabka ku sugan Degmada Xawaadleey

XAWAADLEEY (DAYNIILE.COM)-Duqeyn Diyaaradeed oo ay iska kaashadeen Dowlada Somalia iyo saaxiibada caalamka ayaa lala eegtay Degmada Xawaadleey ee Gobolka Shabeelaha dhexe halkaasoo ay gacanta ku hayaan dagaalamayaasha Kooxda Alshabaab kadib markii ay sanadkii hore qabsadeen.

Duqeymaha waxaa lala eegtay laba bartilmaameed kuwaasoo kala ah dhufeysyada ama godadka Alshabaab ee gudaha Xawaadleey iyo saldhiga ay ku leeyihiin buundada Magaaladaasi waxaana ka dhashay khasaare nafeed oo alshabaab soo gaaray walow aan tafaasiil rasmi ah laha heyn.

Xogaha laga helayo weerarkaani ayaa sheegaya in ilaa 6 gantaal lala dhacay bartilmaameedyadaasi inkastoo wali Alshabaab dhankooda aysan ka hadlin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha soo gaaray.

Taliska Milateriga Somalia ayaa doonaya inuu Alshabaab ka saaro Degmada Xawadley islamarkaana duqeymahaani ay qeyb ka yihiin qorshayaashaasi.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -