HomeWarkiiDuqeyn ka dhacday Bariga Yemen oo lagu dilay Somalia lagu eedeeyay inuu...

Duqeyn ka dhacday Bariga Yemen oo lagu dilay Somalia lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay Alqaacida

Ganacsade Somali ah oo heysta dhalashada Dalka Yemen ayaa la soo sheegayaa in lagu dilay Bariga Dalka Yemen xili lagu eedeynayo inuu xiriir la leeyahay Urur weynaha Alqaacida kadib markii Gantaal lala helay gaari uu saarnaa.

Soomaaligaan oo magaciisa lagu sheegay C/qaadir Yahya Cali Axme (Al Zabidi) ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu hubka qaabilsanaa, warar kale ayaa sheegaya in Ganacsadaha Soomaaliga ah ee la dilay uu ka tirsanaa koox Argagixiso lagu sheegay oo ka howlgasha koonfurta dalka Yemen.

Wararka ku dhaw dhaw Ganacsadahaan Soomaaliyeed ee la dilay waxay sidoo ale sheegayaan inuu wada shaqeyn la la lahaa shabakado ay taageeraan Iran iyo Xuutiyiinta.

C/qaadir Yaxye Cali wuxuu Yeman ku galay baasaboor Yemeni laakiin magaca lagu yaqaanay laga badalay laba maalin ka hor weerarka xaga cirka ah ee lagu dilay,

Sidoo kale Ganacsadahaan Soomaaliga waxaa la leeyahay wuxuu hada ku howlanaa hub uu dhanka Somalia u gudbiyo walow aan cadeyn rasmi ah la soo bandhigin.

XAFIISKA WARARAKA SIYAASADA

DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -