HomeWarkiiDuqeyn lagu bilaabay Alshabaab oo soo buuxdhaafiyay duleedka Degmada Warsheekh

Duqeyn lagu bilaabay Alshabaab oo soo buuxdhaafiyay duleedka Degmada Warsheekh

WARSHEEKH (DAYNIILE.COM)-Gudoomiyaha Degmada Warsheekh Maxamed Xassan Mataan  ayaa warbaahinta u sheegay in Alshabaab ay soo buuxdhaafiyay duleedka Degmada uu madaxda ka yahay taasoo keentay ciidamada Xooga dalku durba ku baxaan kana hortagaan dhaq dhaqaaqa Alshabaab.

Sidoo kale Gudoomiyaha wuxuu sheegay in xaga cirkana duqeyn lagaga wado kooxda Alshabaab ee weerarka ku soo qaaday Degmo xeebeedka Warsheekh  ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

Alshabaab weerarka soo qaaday ayaa ka yimid dhanka Gobolka Hiiraan waxayna soo galeen egaanka Jabad Godane oo aad ugu dhaw Magaalada Warseekh.

“xalay ayay weerarka soo qaadeen balse saaka waxaa ku baxay kumaandooska Gor-gor ee Qorilow degan, dagaalkana wuu socdaa walina wax sharaxaad ah kama bixin karno madaama xaaladu tahay mid dagaal islamarkaana dhulka iyo cirkaba laga weeraray kooxda” ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Warsheekh oo u waramayay Warbaahinta Risaala.

Masuulkaan wuxuu carabka ku adkeeyay Alshabaab isaga yimaadeen wixii Hiiraan ku sugnaa islamarkaana xooga ay na soo saaree laakiin wuxuu xusay inay rajeynayaan inay noqoto Warsheekh meeshii ay ku jabi lahaayeen.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -