Sida goor dhaw oo aroornimadaan ah lagu shaaciyay TV-ga Qaranka saddex Sarkaal oo ka tirsanaa Alshabaab ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan oo ay ciidamada Hay’adda NISA iyo saaxiibada caalamka ka fuliyeen degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Horjooge Cabdi Xiiray, oo ka mid ahaa horjoogayaasha sare ee Alsabaab isla markaana ka dambeeyay dhagaro badan oo cadowgu ka geystay deegaannada Hirshabeelle, ayaa ka mid ah horjoogayaasha la dilay.
‘
Tan iyo markii dhawaan Alshabaab qabsadeen Degmada Moqokori waxaa halkaasi ku soo badanayay dagaalamayaasha iyo kuwa hor booda si ay u sii joogaan Degmadaasi walow Dowlada iyo macawisleyda reer Hiiraan ay doonayaan inay dib ula wareegaan degmadaasi kana eryaan Alshabaab walow khilaafaadyo yar yar ay wali taagan yihiin.
