GAALKACYO (DAYNIILE.COM)-Maamulka Puntland ayaa jawaab ka bixiyay sawiro shalay qabsaday baraha bulshada kaasoo muujinayay dad u dhashay koofur-galbeed oo silsilado ku xiran kuwaasoo la sheegay in reer Puntland afduub ahaan u heystaan.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee dhanka Puntland Faysal Jifo-jabsade ayaa saxaafada hor yimid wuxuuna ugu horeyn beeniyay in raga xiran ay afduuban yihiin ,sido kale wuxuu meesha ka saaray maleeshiya beeleed ay haystaan.
Gudoomiye Faysal wuxuu sheegay in maamulkooda uu soo xirey dadka baraha bulshada lagu arkay ee silsilada lugaha ay uga xiran yihiin islamarkaana waxa loo soo xirey ay tahay arin ku saabsan nin reer Puntland ah oo 19 sano ka hor lagu dilay deegaanada Maamulka Koofur-galbeed.
“waxaa baraha bulshada heystay niman reer Baydhaba ah oo hadlayay ,waxaan rabaa inaan ka hadlo oo dadka ka jaahil-bixiyo nimanyahow 19 sano ka hor bay nin dileen intaasna waxaa laga soo saari la’yahay magtiisii,iyagaa raali ka ah in la xiro oo waa ku soo wada heshiiyeen,waxayna dheheen raga xiran si kale wax ku iman maane hanala xiro waliba in silsilado lagu xiro iyagaa dalbaday si ay ugu beer jileecsadaan dadkooda oo magtiina looga bixiyo laakiin dadkii reerahooda ahaa waxayba noogu badaleen inay baraha bulshada soo fadhiistaan”ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Mudug.
Gudoomiyaha wuxuu gabi ahaanba si weyn u beeniyay jiritaanka wararka baraha bulshada lagu faafiyay.
“dad gurya lagu xirtay maaha, dad qabaa’ilo heystaan maaha,dad xoog lagu afduubtay maaha laakiin dad qaanuunka loo maray weeye,iyagaa raali ka ahaa in la soo xiro oo waa ku soo wada heshiiyeen”ayuu mar kale yiri Gudoomiye Faysal
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
