HomeWarkiiDuqeyn Xooggan oo xalay laga fuliyay deegaanka Xawaadley

Duqeyn Xooggan oo xalay laga fuliyay deegaanka Xawaadley

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa habeenimadii xalay duqayn cirka ah ka fuliyay deegaanka Yaaqle, oo 7 kiiloomitir dhanka koonfur kaga beegan deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Duqayntan ayaa qayb ka ahayd howlgal qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ee halkaas ku dhuumaaleysanayay, kuwaas oo ku howlanaa falal lagu cabsi gelinayay beeraleyda deegaanka.

Intii uu howlgalka socday, waxaa lagu dilay siddeed maleeshiyo oo ka tirsan Khawaarijta, halka dhowr kalena lagu dhaawacay.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay in hawlgallada noocan oo kale ah ay sii socon doonaan, ilaa dalka laga xoreeyo kooxaha nabad-diidka ah ee Khawaarijta, si shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nabad, xasillooni iyo horumar waara.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -