Waxaan xasuusin lahaa siyaasiyiintaas in isla durbaan-kaan qabiilka horay loo soo tumay xiligii dowladdii tan ka horeeysay. Mogadishu ayaana dhawaqa ugu wayn ee turbaan-kaas qabiilka laga maqlayay xiligaas!.
Kaliya waxaa suurtagal ah in uu ka faa’iidaya siyaasiga xil doonka ah!. Kadibna yaa soo haray oo baananka looga dhaqaaqayaa? Dabcan dadkii lagu beer-laxowsaday qabiilka…runna mooday owrkacsiga qabiilka ayaa irdaha laga soo laaban doonaa sidii sunnaha aheeydba!…waaba hadii la faa’iido.
Warka aan kor ku soo sheegay waxaa marqaati u ah in durbaankii qabiilka ee shalay la tumay ay darajo ku gaareen shaqsiyaad siyaasiyiin ah. Waxaa kaloo suurtagal ah in maanta durbaanka la tumayana ay shaqsiyaad kale meel ku gaaraan…waaba hadii uu ugu shaqeeyo sidii ay u garaacdeen.
XILDHINAAN ILYAAS SHEEKH AXMED
