Duufaanta Dolphin ayaa ku dhufatay jasiiradda Okinawa ee koonfurta Japan, taasoo dhaawacday shan qof, korontadana ka jartay 14,000 oo dhisme, iyadoo hadda u socota dhanka bari ee Shiinaha; halkaas oo mas’uuliyiintu ay xireen dekedaha, dugsiyada iyo goobaha dalxiiska.
Jasiiradda Okinawa iyo jasiiradda Amami ee gobolka Kagoshima ayaa ah meelaha ugu waaweyn ee ay saameysay duufaantu gudaha Japan.
Dawladda gobolka Okinawa ayaa sheegtay in shan qof oo da’ ah ay soo gaareen dhaawacyo aan nafta halis gelin, iyadoo saddex ka mid ah ay dhaceen sababo la xiriira dabaysha.
Duufaanta Dolphin ayaa sababtay in la joojiyo duulimaadyada Okinawa, iyo sidoo kale Shiinaha iyo Taiwan.
Duufaantan, oo magaceeda laga soo qaatay nooc ka mid ah hoonbarrooyinka cadcad ee Shiinaha (oo laga helo Hong Kong), ayaa ku soo beegantay xilli ay Bariga Aasiya ka jirto mowjad kulayl oo aan hore loo arag. Saddex libaax oo ku jiray beerta xayawaanka ee Japan ayaa u dhintay wax loo malaynayo inay tahay cudurka kulaylka daran (heatstroke), halka Koonfurta Kuuriya, heerkulka aadka u sarreeya loo aaneynayo dhimashada in ka badan 20 qof.
Dolphin waxay ka soo bilaabatay nidaam cimilada oo daciif ah (tropical depression) kaas oo soo baxay 26-kii Luulyo, iyadoo ku socotay xawaare dhan 45 kiiloomitir saacaddii (30 mayl saacaddii) dusha sare ee biyaha furan ee Bartamaha Badweynta Baasifigga, xilli ay billowday safar kumanaan kiiloomitir ah oo ay ku marayso Baasifigga.
Intii ay socotay, waxay xoogaysatay oo noqotay duufaan kulayleed, ka dibna duufaan kulayleed oo xooggan, ka hor inta aysan isu beddelin duufaan baaxad leh (typhoon) iyo duufaan aad u xooggan 28-kii Luulyo.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
