Weeraryahanka Manchester United ee Edinson Cavani ayaa loosoo jeediyey inuu iskaga tago kooxdaas marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyga ee bisha January, sababtoo ah Cristiano Ronaldo oo ka qabsaday booskii uu ku lahaa kooxda.

Laacibkan hore ee PSG oo sidoo kale fadhiyey kaydka kulamadii isreeb-reebka koobka adduunka ee waddankiisa Uruguay uu la ciyaaray Argentina iyo Colombia ayaa u muuqda inuu ka baxay doorashada koowaad ee Ole Gunnar Solskjaer.

Ronaldo Cavani

Cavani ayaa beddel kusoo galay waqtiga nasashada ciyaartii ay Uruguay guul-darrada 3-0 ah kasoo gaadhay Isniintii ee ay la ciyaareen Argentina iyo ciyaartii kale ee Colombia ee barbarraha goolal la’aanta ah ku dhamaatay Jimcihii.

34 jirkan oo sidoo kale kursiga kaydka kaga qoran kooxdiisa Manchester United ayaa kusoo bilowday ciyaar kaliya oo horyaalka Premier League ah xilli ciyaareedkan socda, waxaanay ahayd kulankii ay barbarraha 1-1 ah la galeen Everton, taas oo uu Ronaldo fadhiyey kaydka.

 

17 gool oo uu dhaliyey xilli ciyaareedkii hore ayaa sabab ugu noqday in 12 bilood oo kale lagu kordhiyo qandaraaskiisa Manchester United, laakiin hadda waxa uu ku qoran yahay beddel suge aan la hubin.

Si kastaba, Gus Poyet ayaa usoo jeediyey Edinson Cavani inuu iskaga tago Manchester United haddii uu doonayo inuu Luis Suarez kula tartami karo booska weerarka xulka qaranka Uruguay, waxaanu yidhi: “Nasiib-darro ayaa ku dhacday sababtoo ah haddii aanu Ronaldo iman lahayn waxa uu sii ahaan lahaa weeraryahanka ugu weyn ee Manchester United, laakiin hadda waa inuu iskaga tago January.”

Edinson Cavani ayaa isaguna hore farriin cad u diray Ronaldo xilli la weydiiyey mustaqbalkiisa, waxaanu bixiyey qish weyn oo ah inay suurtogal tahay inuu uga tago Manchester United sababtoo ah Cristiano Ronaldo dartii.

“Haddan waan ka fikirayaa inaan tago.” Ayuu yidhi Edinson Cavani oo bishii hore la  hadlay warbaahinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here