HomeWarkiiEedeysane loo heysto inuu qof ku dilay Magaalada Qadho oo la soo...

Eedeysane loo heysto inuu qof ku dilay Magaalada Qadho oo la soo qabtay

WAR-SAXAAFADEED:
Qardho, June 19, 2025: Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan Taliska Qeybta Gobolka Karkaar ayaa gacanta ku dhigay eedeysane lagu magacaabo Cismaan Maxamuud Cismaan, kaasi oo loo haysto fal dil ah oo ka dhacay magaalada Qardho fiidnimadii 18 Juun 2025.
Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Sakariye Ciise, da’diisuna lagu qiyaasay 19 sano jir, ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay mid ka mid ah xaafadaha magaalada, iyadoo loo adeegsaday toorey. Marxuumka ayaa loola cararay Isbitaalka Guud ee Qardho, balse waxaa la xaqiijiyay inuu geeriyooday sababo la xiriira dhaawacyada.
Markii uu dhacay falkani, Ciidanka Booliska waxay isla markiiba bilaabeen baaritaan degdeg ah iyo hawlgal qorshaysan, taasoo keentay in eedeysanaha la soo qabto saacado kadib.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar, G/Sare Xussen Cali Maxamuud, ayaa sheegay in laamaha amniga ay si wadajir ah uga shaqeeyeen xaqiijinta iyo qabashada eedeysanaha. Wuxuu si gaar ah uga mahadceliyay shacabka magaalada Qardho oo la shaqeeyay ciidanka, taasoo suuragelisay in eedeysanaha si dhaqso leh loo aqoonsado loona soo qabto.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in eedeysanaha la horgeyn doono cadaaladda, isagoo xusay in ciidamada ammaanku sii laba-jibaari doonaan hawlgalada lagula dagaalamayo hubka sharci-darrada ah, gaar ahaan toorida iyo qalabka kale ee khatarta ah.
Ciidanka Booliska Puntland wuxuu shacabka ugu baaqay inay sii xoojiyaan wada shaqaynta kala dhaxeysa ciidamada ammaanka, si looga hortago falalka lidiga ku ah nabadgelyada, loona hubiyo in ciddii fal dambiyeed gasha si buuxda u wajahdo sharciga dalka.
– DHAMMAAD –
Wixii Faahfaahin Dheeraad ah kala Xiriir:
Captain ,Farah Mohamed – Yemeni Madaxa Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Ciidanka Booliska Puntland
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -