HomeCiyaarahaEmmanuel Petit oo shaaciyay saadaashiisa kama dambeysta ah ee kooxda ku guuleysaneysa...

Emmanuel Petit oo shaaciyay saadaashiisa kama dambeysta ah ee kooxda ku guuleysaneysa Premier League xilli ciyaareedkaan

XIGASHO LAACIB.NECiyaaryahankii hore ee xulka Faransiiska Emmanuel Petit ayaa saadaaliyay in Arsenal aan laga ka hor istaagi karin inay ku guuleysato horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Petit oo falanqeynayay kulamadii toddobaadkii hore ee horyaalka isagoo la hadlay talkSPORT Isniintii, ayaa sheegay in kooxda Mikel Arteta ay hadda leedahay qoto dheeri ciyaartooy oo ku filan inay ku garaacdo kooxaha kale ee tartanka kula jira.

Arsenal ayaa 2–0 kaga badisay West Ham Axaddii, taasoo ka dhigtay hoggaamiyeyaasha horyaalka, kaddib markii Liverpool looga awood roonaaday 2-0 Sabtidii.

Petit ayaa yiri:

“Waxaan rajeynayaa inay ku guuleystaan horyaalka — waana aaminsanahay inay ku guuleysan doonaan.”

“Sababta ugu weyn waa fursadaha uu Arteta ku haysto kursiga keydka iyo isbeddellada uu sameyn karo.”

Wuxuu intaas ku daray in sababtii ay Arsenal u seegtay horyaalka labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay ay ahayd tartanka adag ee ay kala kulmeen Liverpool iyo Manchester City, balse xaaladdaas ay si weyn isu beddashay.

“Runtii, ma arko sabab ay Arsenal ama Arteta u seegi karaan horyaalka xilli ciyaareedkan,” ayuu Petit u yiri si kalsooni leh.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -