XIGASHO LAACIB.NET
Tababaraha Chelsea Enzo Maresca ayaa ammaanay jawaabta kooxdiisa kadib guushii 3-0 ee ay ka gaareen Wolves, isaga oo xusay in la ilaaliyo aragtida guud marka la qiimeynayo natiijooyinkii dhawaa, oo ay ku jirto barbarihii 2-2 ee Qarabag kulankii Champions League-ga.
Inkasta oo ay jireen dhaleeceyn dibadeed oo ku saabsan dhibcaha ay lumiyeen, Maresca wuxuu adkeeyay in xaaladda gudaha kooxda ay tahay mid wanaagsan oo deggen.
Maresca wuxuu yiri:“Dareenkeenna gudaha waa wanaagsan yahay. Buuqa bannaanka ka imanaya ayaa badan, waayo waxaad dhibco ku lumisay koox si wanaagsan u ciyaaraysa. Dadku waxay filayaan in Chelsea ay ciyaar kasta badiso, balse xaqiiqdu sidaas ma aha.”
XIGASHO LAACIB.NET
