HomeWarkii Erdoğan oo maanta ka hadlay shidaalka qodista Soomaaliya iyo dareenka wiil Soomaali...

 Erdoğan oo maanta ka hadlay shidaalka qodista Soomaaliya iyo dareenka wiil Soomaali ah uu ka muujiyay Markabka Çağrı Bey

Sida aan ka soo xiganay BBC Soomaali Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta ka hadlay shidaalka lagu wado in dalka Soomaaliya dhawaan qodidiisa laga bilaabo.

Madxwaynaha oo maanta la hadlayay baarlaamnka Turkiga ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay qorshaha shidaal qodista ee ay Turkiga ka wdaan dalka Soomaaliya.

Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa tusaale u soo qaatay wiil yar oo Soomaali ah oo oo sida uu sheeg ka falceliyay markii uu dhawaan arkay markabka Turkiga ee Shidaal qodista oo taagan xeebaha Soomaaliya.

“waxaan doonayaa inaan idinla wadaago dareenka walaal dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo meel dhow ka arkay markabka Çağrı Bey,wuxuu si toos ah u yiri: “Weli kama soo kaban saamaynta markabka Çağrı Bey. Inaan si dhow u arko waxay ii ahayd waayo-aragnimo aan la ashqaraaray. Sababtoo ah Çağrı Bey wuxuu u ekaa magaalo weyn oo socota. Aad u weyn, aad u cusub, si qurux badanna loo dhisay. Maashaa Allaah. Runtii waa farshaxan la yaab leh.” ayuu yiri mr Erdogan.

Madaxwayne Erdogan ayaa ereyadaas ku tilmaamay sawir qurux badan oo muujinaya awoodda Turkiga..

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -