Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Somaliland Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa kulamo wadatashi ah la qaatay qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka iyo Odayaasha Dhaqanka Dowladd Goboleedka Koofur galbeed eek u sugan Magaalada baydhabo.

Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa ka dhageystay arragtiyooyinka iyo fikradaha ay ka qabaan dib u billaabidda hanaanka Wadahadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya  iyo Somaliland.

Advertisement

Ergayga ayaa xubnaha ka qeybgalay kulanka uga warbixiyay sooyaalka Wadahadallada iyo Muhiimadda ay ugu fadhiyaan Umadda Soomaaliyeed, waxaana intaasi ka dib uu ka dhageystay arragtiyadooda, ayagoona soo gudbiyay tallooyin aad u wanaagsan oo wax tar u leh Qorshaha Wadahadallada DFS iyo maamulka Somaliland.

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Somaliland Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa maalmihii la soo dhafay wuxuu kulamo wadatashi ah ka waday Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Previous articleSoomaalida Kenya oo ka cabanaysa dhibaato dhaqaale oo kasoo gaartay dibadbaxyada
Next articleXildhibaan Cabdiraxmaan Jubba oo ku geeriyooday Nairobi & Guddoonka Golaha Shacabka oo ka tacsiyeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here