Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobe Antonio Guters  ayaa soo magacaabay ku xigeenkiisa cusub ee Ergeyga Gaarka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Xilkaan wuxuu u soo magacaabay Raisedon Zenenga oo u dhashay Zimbabwe, kaasoo mudo qaramada midoobe uga soo shaqeeyay.

Advertisement

Xilkaan waxaa dhawaan baneysay haweeneyda u dhalatay dalka Ghana Anita Kiki Gbeho,waxaa lagu wadaa masuulkaani cusub inuu dhawaan shaqadiisa ka bilaabo Muqdisho.

Dhanka kale Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobe wuxuu  uga mahad-naqay Anita Kiki Gbeho sidii ay uga soo baxday shaqadeeda mudadii ay Somalia ka howlgaleysay.

Sarkaalkaan cudub ee Somalia loo soo magacaabay wuxuu gada hayaa xilka  isu duwaha Hawlgalka Qaramada Midoobay  ee Liibiya (UNSMIL).

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleNISA oo weerartay Garaash Alshabaab ku lahaayeen buq aqable
Next articlePuntland iyo Galmudug oo ka wada hadleen Iskaashiga Amniga 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here