Danjire Daniel Foote, oo ahaa ergeygii gaarka ahaa ee Mareykanka u qaabilsanaa Haiti, ayaa is casilay isaga oo ka soo horjeeda masaafurinta ballaaran ee Mareykanka uu ku sameeyay dadka Haiti ee ku soo ururay xadka Mareykanka uu la wadaago Mexico.

Danjiraha ayaa warqadiisa is-casilaada ku xusay digniin uu ka muujiyay burbur ku yimaada wadanka Haiti, haddii lagu celiyo dadka ka baxsanaya.

Haiti waxay la daalaa dhaceysaa qalalaase siyaasadeed ka dib dilkii Madaxweyne Jovenel Moise 7 -dii July lagu dilay hoygiisa. Dawlad ku -meel -gaadh ah ayaa la dhisayaa ilaa doorashooyinka, oo la qorsheeyey bisha Nofembar.

Illaa 14,000 oo muhaajiriin Haiti ah ayaa isugu soo ururay labada dhinac ee xadka Mareykanka uu la wadaago Mexico iyadoo mas’uuliyiintu billaabeen inay boqolaal qasab ah dib ugu celiyaan Haiti.

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here