Muqdisho Juunyo 10, 2022- Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan qadka fogaan aragga ah la yeeshay kulan ay safaaradda Jarmalku soo qabanqaabisay oo ay kasoo qeybgaleen deeqbixiyeyaasha fadhigoodu yahay Nairobi.

Safiir ku xigeenka Jarmalka Sascha oo hadalkiisa ku billaabay in uu bogaadinayo masuuliyadda hoggaanka cusub ee Soomaaliya ay iska saarayaan arrimaha biniaadannimada iyo sida firfircoon ee Xafiiska ergeygu u dhaqaajiyay howlahaan ayaa caddeeyay in Jarmalku xil iska saarayo gacan siinta Soomaaliya isaga oo sheegay in ay sanadkaan ku bixiyeern Soomaaliya ilaa 45 Milyan oo Yuuro.

Ergay Cabdiraxmaan oo Dowladda Jarmalka iyo hayadaha kaleba uga mahadceliyay sida ay ugu heellanyihiin mar walba gacan siinta dadkiisa ayaa uga warramay xaaladda daran ee abaaraha iyo sida looga baqanayo in ay macluul isu beddesho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here