MUQDISHO (DAYNIILE.COM)- Ergo xildhibaano ah oo Madaxtooyada ka socda ayaa la sheegay in loo kala direy Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisulwasaarihii hore Xasan Cali Khayre waxaana ka soo baxaya warar kala duwan waxa looga hadlay kulamadaasi .
Ergada loo direy Khayre oo kala ah Xildhibaan Dhagey iyo Xil,dhag-dheer mana jirto wax faah faahin ah oo ka soo baxday kulamadaasi balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inay kala hadleen in Khayre guriga uu Howlwadaag ka degan yahay oo u dhaw Madaxtooyada inuusan banaan bax ku qaban si aan la isugu dhicin.
Ergada aaday dhanka Shariifka ayaa iyagana waxaa laga soo warinayaa in shariif soo faray erada in Madaxweyne Xasan ay tahay inuu talada dhexda soo dhigo madaama muda xileedkiisu dhamaaday,sidoo kale waxaa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in madaxweyne Xasan ergadiisu sheegeen inuu tanaasul diyaar la yahay balse mucaaradka ay xiisada qaboojitaan.
Ma jirto warar madax banaan oo laga helayo kulamadaani balse dhamaan wararka ka soo baxaya warar aaney xitaa dhinacyada ay quseyso ka hadlin islamarkaan ajiritaankiisa aysan qirinba.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMÂ Â
