Dowlada Eritrea ayaa ka hadashay hadal dhawaan uu Ra’iisulwasaaraha Itoobiya ka jeediyay Baarlamaanka dalkiisa xili uu ku eedeeyay ciidamada Eritrea ay gudaha Itoobiya dhac iyo dilal ka geysteen xiligii uu socday dagaalkii Tikreega iyo ciidamada Dowlada Itoobiya markaasoo Eritrea ay garab siineysay Abiy Axmed.
Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yamana Gabramasqal ayaa Warka Abiy Axmed ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn,wuxuu intaasi ku daray in Itoobiya ay hore u amaani jirta dalkiisa islamarkaana ay bilado gudoonsiiyeen balse hada warka Abiy uu ka sheegay Baarlamaanka Itoobiya uu yahay mid uu ku doonayo inuu ku magac dilo dalkisa.
xiriirka labada dal ayaa xumaaday kaddib markii Eritrea ay sheegtay in Heshiiska Pretoria aan la saxiixi karin ilaa laga burburiyo TPLF sida uu aaminsan yahay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed
Labadaan dal mudooyinkaan danbe arinta ugu adag ay isku hayaan ayaa ah in damaca Itoobiya ee Badda Eritrea xili Abiy Axmed dhowr mar ka dhawaajiyay inay xoog iyo xeelad mid ku gaari doonaan baddaasi.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
