HomeCiyaarahaErling Haaland Oo ka carooday Kooxdiisii Carruurnimada ee Bryne – “ma seexan...

Erling Haaland Oo ka carooday Kooxdiisii Carruurnimada ee Bryne – “ma seexan karo anigoo og……”

XIGASHO LAACIB.NET

Weeraryahanka Manchester City, Erling Haaland, ayaa muujiyay caro xooggan kadib markii kooxdiisii carruurnimada ee Bryne ay kansashay qandaraasyada saddex ciyaaryahan iyadoo xilli ciyaareedku dhexda marayo.

Haaland, oo waayihiisa kubbadeed ka bilaabay Bryne ka hor inta uusan u dhaqaaqin Molde, Salzburg iyo Borussia Dortmund, ayaa ka falceliyay arrinta isagoo bartiisa Snapchat ku qoray:

“Bryne, ha aamusina, maxaa socda? Haa, waa waqtigii aan seexan lahaa, laakiin kooxdaydii carruurnimada ayaa qalalaase ku jirta, taasina way i dhibaysaa. Ma seexan karo anigoo og waxa socda.”

Kooxda Bryne, oo hadda ku jirta kaalinta 14-aad ee horyaalka Norway, ayaa dhowaan go’aansatay inay iska dirto Axel Kruger, Jens Husebo iyo Robert Undheim, tallaabadaas oo keentay inuu caro iyo niyad jab muujiyo Haaland.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -