Siyaasadda Ethobia waxay tagaan tahay halkeeda, balse waxaa lays waydiinayaa Xisbi xaakimka talada soomaaliya qabtay waxay Ethobia oo ay ciidan kajoogaan soomaaliya udhaliileen si adag, waxayna taageero umuujiyeen janhadda Tigreega, waxay kutilmaameen kaligii talis in uu yahay Aby axmed Tigreeguna yahay Dimoqraadiyad & doorasho doon kutaagan xaq.

Sirdoonka soomaaliya waxaa loo magacaabay Xubin aan af kala xishoon EThobia oo si adag u cambaaraysay, halka madaxwaynuhu yahay shaqsi Doodmada siyaasadda Ethobia kusoo xaano maalay.

Kulanka Madaxwayne Xassan sheeq sida saadaashu tahay lagama sugayo rajo buuran oo isfaham dhaqan gal ah, Xassan sheeq waxa uu codsan doonaa in K/galbeed yeelato dowlad kudhisan dib uheshiisiin & midnimo labada dhinac ee isku haya siyaasadda Koonfur galbeed, taasina sida laga bartay aooyaalka taariiqda soomaaliya manoqon doono mid dhaxalgal ah oo guulaysta.

Ethobia way adag tahay I ay sifudud heshiis ula gaarto hogaanka xassan sheeq, sababtu waxay tahay hogaanka cusub oo horay xiriir ula lahaay Tigreega sitoos ahna ugasoo horjeestay siyaasdda Aby axmed ee soomaaliya, Sida lagu yaqaano Ethobiyana waxay wadataa shuruudo lagu ogaanayo in Hogaanka cusub yahay mid la aamini karo, kuwasoo fulin dooda aad ugu adag tahay hogaanka dowladda cusub ee soomaaliya, marna ku ah wajigabax siyaasadeed haday fuliyaan.

Ethobia waa Ethobia ee Soomaaliya matahay soomaaliya ? Mise inta ololaha socdo Etoobiya dadka waxaa loogu sheegaa cadow marka xukunka laqabtana waxaa loo togaa in Etoobiaya tahay saaxiib qaaliya!!.

Mar labaad maka maqli doonaa afka hogaanka qabtay talada soomaaliya iyagoo leh “Tigree wa jabhad falaago ah oo dagaal oogayaal hogaaminayaan , Xukuumadda Ethobiana Xaq ayay uleedahay in ay ladagaasho”!!.

Xiriir wanaagsan oo dhaxmara Etoobiya iyo soomaaliya ayaa kuxiran in si isku mid ah loo arko Falaagada Tigreega, taasina waa mid kuqasbi doonto Dowladda Xassan sheeq in ay qaadato oraah kaduwan tii ay kusoo ololaysay ee ah in Aby axmes yahay Kaligii taliye Tigreeguna yahay Xaq udirir, Waa imtixaan kuxiran hadba xiriirka soomaaliya & Etoobia iyo koonfur galbeed oo laga helo wada shaqayn, hadii kale xaalku waa afar sano oo kale iyo K/ galbeed oo noqota Jubbaland cusub & jahawareer kaxun kii lasoo maray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here