XIGASHO LAACIB.NET
Kooxda Arsenal ayaa noqotay kooxda labaad ee u gudubta wareegga quarter-final-ka ee tartanka FA Cup, kadib markii ay 2–1 kaga adkaatay Mansfield Town kulan dhacay Sabtidii.
Guushan ayaa ka dhigaysa in kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta ay weli ku sii nagaato tartanka afar koob xilli ciyaareedkan.
Arsenal ayaa hoggaanka ciyaarta la wareegtay markii Noni Madueke uu dhaliyay gool qurux badan oo si xoog leh u gaaray geeska sare ee shabaqa. Si kastaba ha ahaatee, Will Evans ayaa ka faa’iidaystay qalad difaac oo ay sameeyeen Arsenal, isagoo ciyaarta ka dhigay 1–1.
Ugu dambeyn, Eberechi Eze oo kursiga keydka ka soo galay ayaa dhaliyay goolka guusha ee Arsenal, taas oo xaqiijisay inay u gudbaan wareegga xiga.
Dhanka kale, Liverpool ayaa habeenkii Jimcaha ka aar-gudatay Wolves, iyagoo 3–1 kaga adkaaday garoonka Molineux Stadium, maalmo kadib markii Wolves ay ka adkaadeen.
Kulamada kale ee wareegga shanaad ee FA Cup waxaa ka mid ah Manchester City oo u safri doonta Newcastle United, halka Chelsea ay marti u noqon doonto Wrexham AFC.
XIGASHO LAACIB.NET
