XIGASHO LAACIB.NET

Xiriirka Kubadda Cagta ee dalka Ingiriiska (FA) ayaa maanta oo Arbaco ah shaaciyay go’aan naxdin leh oo ka dhan ah garabka kooxda Chelsea, Mykhailo Mudryk, kaas oo lagu riday ganaax gaaraya afar sano.
Talaabadan ayaa timid ka dib markii lagu helay xad-gudubyo la xiriira isticmaalka maandooriyaha ee dhinaca ciyaaraha, sida ay werisay jariiradda Daily Mail.
Ganaaxan oo ah kii ugu cuslaa ee lagu rido ciyaaryahan gala dambiga noocan ah, ayaa halis weyn gelinaya mustaqbalka ciyaaryahankan 25-jirka ah. Mudryk ayaa durbadiiba soo saaray rafcaan uu u gudbiyay Maxkamadda Arrimaha Ciyaaraha ee CAS, inkastoo ilaa hadda aan la muddeyn waqtiga la dhageysan doono dacwadiisa.
Xiddigan reer Ukraine oo Chelsea kaga soo biiray Shakhtar Donetsk sanadkii 2023-kii aduun lacageed oo dhan £88 milyan, ayaan garoomada lagu arkin tan iyo dabayaaqadii sanadkii 2024-kii. In kasta oo uu heshiis kula joogo kooxda ka dhisan Stamford Bridge ilaa sanadka 2030-ka, go’aankan ayaa dhabar-jab weyn ku ah naadiga iyo taageerayaashaba, maadaama uu muddo dheer ka maqnaan doono saaxada kubadda cagta haddii aan isbeddel lagu sameyn xukunka.
XIGASHO LAACIB.NET
