HomeCiyaarahaFA-ga Ingiriiska oo ganaax kusoo Rogay Enzo maresca kadib al naxdin leh...

FA-ga Ingiriiska oo ganaax kusoo Rogay Enzo maresca kadib al naxdin leh oo uu ku kacay ciyaartii Liverpool

XIGASHO LAACIB.NET

Tababaraha Chelsea Enzo Maresca ayaa la saaray hal kulan oo ganaax ah iyo ganaax lacageed oo dhan £8,000, kaddib markii laga saaray garoonka intii lagu jiray guushii 2-1 ee ay kooxdiisu ka gaartay Liverpool horraantii bishan.

Maresca, oo 45 jir ah, ayaa la siiyay kaaar casaan markii labaad kaddib markii uu si xamaasad leh ugu orday dhinaca garoonka si uu ula dabaaldego goolka guusha ee Estevao Willian oo yimid daqiiqaddii 95-aad, kulankii liverpool.

Sida uu sheegay garsoore Anthony Taylor, Maresca ayaa lagu helay inuu “si cad u jebiyay xeerka aagga farsamada (technical area)” taasoo sababtay in la siiyo kaarka labaad ee huruudda ah, sida ay dhigayaan xeerarka IFAB.

Xiriirka Kubadda Cagta Ingiriiska (FA) ayaa xaqiijiyay in Maresca uu qirtay dambiga isla markaana aqbalay ciqaabta caadiga ah, taasoo la micno ah inuu seegi doono kulanka Nottingham Forest ee Sabtida.

Maresca ayaa horraantii ciyaarta horey loogu sheegay digniin (kaarka jaalaha ah) kaddib markii uu si xoog leh uga cawday rigoore uu  arkayay in kooxdiisu u qalantay qeybtii hore ee ciyaarta.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -