XIGASHO LAACIB.NET
Kooxda Arsenal ayaa lagu ganaaxay lacag dhan £500,000 ($665,000) kaddib markii lagu helay inay jebisay xeerarka FA Cup intii lagu jiray kulankii wareegga saddexaad ee tartankaas ee ay bishii Janaayo la ciyaareen Manchester United, sida uu sheegay guddiga Professional Game Board (PGB).
Sharci Jebinta lagu helay Arsenal waxay la xiriirtay Xeerka 192 ee FA Cup, kaas oo dhigaya in marka laga reebo semi-finalka iyo finalka, kooxda martida ah ay xaq u leedahay 15% tigidhada la bixiyo.
Manchester United ayaa ahayd inay hesho 9,000 tigidh oo loogu talagalay taageerayaashooda kulankii ka dhacay Emirates Stadium, balse waxa ay heleen kaliya 7,956. Arsenal ayaa arrintan ku sababaysay “arrimo amni,” gaar ahaan dhibaatooyinka ka dhashay taageerayaal istaagay qeybta kore ee garoonka.
Guddiga PGB ayaa go’aamiyay in Arsenal aysan si buuxda u raacin xeerka, balse ganaaxa £500,000 ah ayaa la hakiyay, iyadoo lagu xidhay shuruud ah in Arsenal ay muujiso awooddeeda inay buuxin karto shuruudaha tigidh bixinta ee wareegga saddexaad ee FA Cup ee xilli ciyaareedkan iyo sidoo kale sii wadi doonta u hoggaansanaanta xeerarkan wareegyada dambe ee tartanka.
XIGASHO LAACIB.NET
