Dagaal geystay khasaaro kala duwan ayaa Maanta waxaa uu laba maleeshiyo beeleed uu ku dhexmaray deegaano u dhaxeeyo laanwaalay iyo  Degmada Saaxo ee Gobalka Mudug.

Labada maleeshiyo Beeleed ayaa isku heysta dhul kuyaalla halka lau dagaalamayo, waxaana inta la xaqiijiyay dagaalka Maanta ku dhintay in ka badan Saddex ruux 4 kalena ay ku dhaawacmeen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in labada dhinac dagaalkooda uu ahaa mid aad u xoogan, balse si iskiis ah uu u istaagay wallow dhinacyadii dagaalamay ay weli ishor-fadhiyaan.

Wararka kale ee Warbaahinta dayniile heleyso ayaa waxaa ay sheegayaan in saacadaha soo socda degaannada lagu dagaalamayo ay gaari doonaan Ciidamo katirsan kuwa Maamulka Puntland si ay u kala dhex galaan.

Dhowr jeer ayaa degaano katirsan Gobolka Mudug waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed, waxaana Madaxda Maamulada Galmudug & Puntland ee Gobolka Mudug ay ku guuleysteen inay xaliyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here