Qarax xooggan oo barqonimadii maanta ka dhacay Xerada Ciidanka lagu tababaro ee Kulliyaddii Jaalle Siyaad Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Ugu yaraan 10 ruux ayaa dhimatay halka ay dhaawacmeen tiro kale kaddib markii qaraxaas loo badinayo in uu ahaa qof isku soo xiray walxaha qarxa uu dhexda ka galay ciidamo katirsan Dowladda oo waqtigaas tababar ciidan qaadanayay.

Advertisement

Ciidanka goobta lagu tababarayay oo ahaa askarta gaarka ah ee Guutada loo yaqaan 14ka October waxaa la aasaasay sanadkii 2017 oo ku beegan waqtigii uu dhacay qaraxii sababay dhimashada, dhaawaca & khasaara hanti.

Weli war rasmi ah kama soo bixin Dowladda Federaalka oo ay ku faah-faahineyso khasaaraha guud ee dhimashada, dhaawaca, qaraxaas nooca uu ahaa, sida uu goobtaas uga dhacay iyo su’aalaha kale ee dadka isweydiinayaan.

Xerada qaraxa uu ka dhacay ee Degmada Hodan ku taalla waxaa muddooyinkii dambe uu tababar ugu socday Ciidamo cusub oo Dowladdu damacsan tahay in ay ku darto guutadaan sida gaarka ah uga howlgasho Gobolka Shabeelaha Hoose DG Koofur Galbeed.

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay khasaaraha ka dhashay qaraxaan isaga oo Dadka dhaawaca ah u rajeeyay in uu alle caafimaad siiyo.

Previous articleWasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Faderaalka Maxamed Sh Doodishe oo Qaraabadiisa u qoray Mushaar waali ah
Next articleMaamulka Saciid Deni oo diiday in ay maanta ka dagaan xubno katirsan Golaha Wasiiradda oo ay horkacayso Gudoomiye kuxigeenka Golaha shacabka Federaalka Sacdiya Salaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here