Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay maanta agagaarka isgoyska nasiib buundo ee degmada shibis,kaas oo lagu weeraray mas’uul katirsanaa Dawladda Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa nuuca dhejiska ayaa lagu xiray gaari uu watay Sarkaal katirsan Hay’adda NISA oo lagu magacaabo Caana-boore.

Dhaawac soo gaaray Sarkaalka ayaa ugu dambeyn uu udhintay sida ay inoo xaqiijiyeen ilo ka mid ah howlwadeenada Hay’adda Nabad sugida Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka qarax ee lagu dilay sarkaalkaasi ee maanta qaraxa lagu dilay iyagoo sheegay inay ku guuleysteen beegsigaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here