Baladweyne (dayniiile.com)-Waxaaa maalintii labaad xiran buundada liiq-liiqato ee kala qeybisa labada dhinac ee Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan
Faahfaahin dheereed ah ayaa laga helaya sababta xirnaanshaha keentay taasoo ah inuu jiro shaki ah gaari walxaha qarxaha laga soo buuxiyay la doonayo inuu ka soo gud bo buundada.
Masuuliyiin dhanka bari ku sugan ayaa amarka xirnaanshaha bixiyay iyagoona tilmaamay inay ka war heleen in gaari walxaha qarxaha laga soo buuxiyay ay ka cabsi qabaan inuu dhanka qoraxsin ka yimaado.
qarixii dhawaan ka dhacay Magaalada Baladweyne ee dadka badan ku dhinteen ayay ahayd markii masuuliyiinta Bariga Baladweyne ay xuseen inuu dhanka qoraxsin ka yimid .
Xaalad cakirnaan ah ayaa laga soo sheegayaa buundada madaama isku socodka labada dhinac uu aad muhiim ugub yahay shaccabka hadey ahaan lahayd dhanka caafimaadka iyo ganacsiga intaba.
XAFIISKA WARARKA
SAYNIIILE.COM