HomeWarkiiFaah-faahinta Dagaalka culus ee saaka Balad-xaawo ku dhex-maray Ciidamada Dowlada iyo Jubalanad

Faah-faahinta Dagaalka culus ee saaka Balad-xaawo ku dhex-maray Ciidamada Dowlada iyo Jubalanad

BALAD-XAAWO (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Balad-xawo ee Gobolka Geddo ayaa sheegaya in banaanka magaaladaasi uu saaka ka dhacay dagaal aad u culus kaasoo u dhexeeyay ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa Maamulka Jubaland.

Dagaalkaani ayaa qarxay kadib markii ciidamada Dowlada ay saaka aroortii weerar ku qaadeen deegaanka Aamin ee duleedka Balad-xaawo halkaasoo ay isku urursanayeen ciidamada Maamulka Jubaland waxaana labada dhinac dhexmaray dagaalka gacmaha la isula tagay.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ciidamada Dowlada ay guul weyn ka gaareen dagaalka markii ay si buuxda ula wareegeen halkii dagaalku ka dhacay, ciidamada dowlada waxay gacanta ku dhigeen maxaabiis reer Jubaland ah.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in ciidamadii jabay ee Maamulka Jubaland ay u carareen dhanka Kenya gaar ahaan ismaamulka Nadera oo awalba maamihii ugu danbeeyay ay ku sugnaayeen.

Saraakiisha Ciidamada Dowlada ee Balad-xaawo ku sugan ayaa lagu wadaa inay warbaahinta u soo bandhigaan maxaabiista ciidamada Maamulka Jubaland ee saaka lagu soo qabtay dagaalka duleedka Balad-xaawo.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -