DJABUTI (DAYNIILE.COM-Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Xassan Cali Kheyre oo ka mid ah madaxda ka qeybgashay munaasbada xuska sanadguurashadii 25-ka sano ee ka soo wareegatay shirkii nabada ee Carta-Jabuuti ayaa khd-bad ma ma jeediyay shirka.
Xasan Cali Kheyre ayaa ku amaanay Dalka Jabuuti inay Somalida bartay walaalnimada iyo Dowladnimada.
“Jabuuti waxay na bartay dhadhanka, nuxurka, iyo macnaha dhabta ah ee walaalnimada iyo Soomaalinnimada”ayuu yiri Xasan Cali Kheyre
“Jabuuti waxay abaalgashatay dalka, dadka, iyo dowladnimada Soomaaliyeed, waa xaruntii lagu unkay Jamhuuriyadda Seddaxaad ee Soomaaliya, laguna doortay seddax ka mid ah Madaxweynayaashii soo maray qarankeenna”ayuu mar kale yiri Xasan Cali Kheyre
Hadaba faah-faahinta khudbada halkaan ka daawo:-
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM-

