WALA-WEYN (DAYNIILE.COM)-Masuuliyiinta iyo saraakiisha Maamulka Magaalada Wala-weyn ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa gaaray tuulo ku dhaw Magaalaaasi oo shalay iyo habeen horaba dad shacaba lagu laayay kuwaasoo xoolaley u badnaa.
Gudoomiye ku xigeenka Amniga Degmada Wala-weyn ayaa wabaahinta la hadlay wuxuuna sheegay ku daba jiraan maleeshiyaadkii dadka xoolaleyda ahaa laysay islamarkaana ay sharciga hor keeni doonaan si loogu qaado ciqaabta waafaqsan dhibaatada dilka ahayd ee ay fuliyeen.
Masuulkaan wuxuu si weyn u beeniyay warar uu Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow saxaafada u sheegay oo ahaa in kooxaha dadka xoolaleyda ah leysay ay wateen dareyska ciidamada Maamulka Koofur-galbeed.
“waxba kama jiraan in ciidamada Maamulka Koofur-galbeed ku lug leeyihiin dilalka shacabka loo geystay , anagaana daba daba joogna kamana hareyso ilaa aan sharciga ka hor keeno”ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka amniga Degmada Walaweyn.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
