Jugta qarax xoogan ayaa waxaa daqiiqado kahor laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacay meel ku dhow Taalada Daljirka daahsoon ee degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaas oo ahaa mid Is-miidaamin ahaa ayaa waxaa la sheegay inuu fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa, wuxuuna isku qarxiyey agagaarka Maqaayad laga cunteeyo oo ku taalla meel ku dhow Daljirka.

Qaraxa kadib ayaa waxaa la maqlay rasaas xoogan oo daqiiqado socotay oo ay fureen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa agagaarka goobta.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaas Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho, hayeeshee goobta ayaa waxaa kusii qulqulaya gaadiidka gurmadka deg dega ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here