Weerar hoobiyeyaal ah oo saakay aroornimadi lagu qaaday qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid, Warta nabadda  iyo boondheere ayaa geystay khasaare xoogg badan, ayada xiliga ay madaafiicda hoobiyeyaasha dhacayeen subaxnimada hore.

tiro hoobiyeyaal ah ayaa ku dhacay xaafado ku dhow madaxtooyada salaadda subax ka dib, kuwaasoo geystay khasaaro.

Madaafiicdan oo gaareysay illaa 3 ayaa laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho maadaama uu jawigu ahaa mid daggan, waxeyna qaarkood ku dhaceen guryo ay dagganaayeen dad danyar ah.

Dad shacab ah oo dhaawacyo kala duwan kasoo gaaray hoobiyaha kusoo dhacay degmooyinka qaar ayaa la dhigay isbitaalka magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagula tacaalayo wax ka qabashada xaaladooda.

Sidon kale, tiro dad ah ayaa dhaawacyo kasoo gaareen madaafiicdaasi, iyadoo la sheegayo in labo qof oo dhaawacyadooda hails ahaa ay ku jiraan.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyad hoobiyeyaasha, hase ahaatee waxaa horay looga bartay kooxda Al-Shabaab inay magaalada Muqdisho xaafadaheeda ku garaacaan hoobiye iyo madaafiic kale.

Weeraradan ayaa ah kuwii ugu dhimashada badnaa ee Al-Shabaab ay ka fuliso Muqdisho tan iyo markii madaxweyne Xasan Sheekh dib loo doortay 15-kii May 2022.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here