Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu qarax ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa laga maqlay guud ahaan Muqdisho, waxa uu ka dhacay Xamar weyne waxaana sidoo kale la maqlayaa dhawaqa rasaasta, welina lama soo warin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas.

Qaraxa ayaa si toos ah loogu dhuftay xarunta gobalka banaadir waana qarax lagu soo miidaamiyey moota bajaaj waana marki labaad oo lagu weeraro qarax xarunta gobalka banaadir

Illaa iyo hadda lama yaqaan waxa sababay qaraxa, waxaase jira dhaawacyo, sida aan warka ku helnay. Wixii Faah-faahin ah dib ayaan idinkugu soo gudbin doonnaa Insha Allah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here