Allow ha u naxariisto waxaa xalay dil ka gaystay Mogadishu Koox hubeysan ayaa degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilay Cabdi Ibraahim Ciid oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Baanbeyda Soomaaliyeed.

Dhinaca ke goobjoogeyaal ayaa xaqiijiyay in marxuumka ay rasaas ku fureen laba nin oo ku hubeysan bastoodo, xilli uu ka soo baxay Masjid uu ku tukaday Salaadii Cishaha, dhaawac soo gaarayna loola carray Isbitaalka Digfeer, halkaasoo uu ugu dambeyn ku geeriyooday .

Sida caadada aheyd Kooxdi dilka geysatay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaa daqiiqado ka dib soo gaaray Ciidan Dowladda oo halkaasi baaritaano ka sameeyay wali war kama soo bixin dowladda Soomaaliya.

Sikastaba ha ahaate dilalka qorsheysan ayaa maalmahan u soo batay magaalada Muqdisho, xalay waxaa degmada Kaaraan qarax loogu xiray gaarigiisa lagu dilay Guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda ee Maamulka degmada Yaaqshiid ee amniga iyo siyaasada tani ayaa walwal badan abuuri karta xili dowladda cusub maareyn la’dahay amniga Caasimadda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here