Faahfaahino ayaa ka soo baxaya Qarax caawa fiidnimadii ah ka dhacay magaalada Muqisho gaar ahaan wadada mashquulka badan ee Maka Al Mukarama.

Qaraxan ayaa ka dhacay meel u dhexeysa Hotelka Dayax iyo taalada Sayidka Sayidka ee wadada Maka Al Mukarama gaar ahaan afaafka hore ee Garaashka Daacad Car Care.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan oo loo adeegsaday miino wadada dhinaceeda la dhigay lala beegsaday gaari Proof ah oo uu leeyahay Senator Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamanka Somalia.

Senator Dufle oo la socday gaarigiisa xiliga qaraxu dhacayey ayay wararku sheegayaan inuu ka badbaaday, hase ahaatee waxaa ku dhaawacmay labo askari oo ka tirsan ilaaladiisa, kuwaasoo la dhigay goobaha Caafimaadka sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhow Senatorka.

Laamaha amaanka DF ayaan ka hadlin qaraxan oo ku soo beegmaya xili  magaalada Muqdisho ay ku soo badanayaan qaraxyada xiliyada habeenkii lala beegsado madaxda DF, dhowr habeen ka hor ayeyna aheyd markii  sidan oo kale qarax la dhigay Isgoyska Km4 lala beegsaday gaari uu la socday Wasiir ka tirsan xukuumada Somalia.

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here