Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in mid kamid Ilaalada Hoteelada kuyaalla halkaas uu xalay dilay Wiil kamid ahaa dhaliyarada ugu caansan Magaalada Gaalkacyo.

Wiilka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Cabdi mahad Cabdullaahi Maxamed ayaa goobjoogayaal sheegeen in uu ku Shaqeysan jiray Mooto Bajaaj, hayeeshee dilka uu yimid kadib markii ay wada murmeen Nin ilaalo ka hayay mid kamid ah Hoteelada Magaalada Gaalkacyo, kaas oo dhowr xabadood ku dhuftay

Wiilka Dhalinyarada ah ee lagu dilay Magaalada Gaalkacyo ayaa dad yaqaanay waxaa ay sheegeen in sidoo kale uu kamid ahaa dhalinyarada sanadkaan dhameysay dugsiga Sare, Isla markaana ka qeyb gashay Imtixankii ay qaaday Wasaaradda Waxbarashada dowladda Soomaaliya.

Wararka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Ninkii dilka u geystay Cabdi Mahad ay xireen Ciidamada Ammaanka Magaalada Gaalkacyo, iyada oo ehelkiisa ay dalbadeen in Cadaaladda la horkeeno Ninkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here