Ciidamada ATMIS ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose,gaar ahaan Magaalada Baladul-Amiin ayaa dilay qaar kamid ah kooxaha khawaarijta oo doonaayey in ay isku dayaan weeraro gaadmo ah oo ay ka fuliyaan halkaasi.

Afhayeenka ciidamada ATMIS Lt Col Abdullahi Hassan Ganale  (KDF) oo la hadlay warbahinta dowladda ayaa sheegay in deegaanka Baladul-Amiin ay ku dileen laba xubnood oo ka tirsan kooxaha khawaarijta ee Al-shabaab.

Advertisement

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in ay gacanta ku dhigeen 2 qori  iyo 130 xabbo oo rasaas ah,kadib markii tiro badan oo khawaarijta ah lagu jabiyay goobtii dagaalka.

Jabka iyo khasaaraha la gaarsiiyay kooxdaasi ayaa nafis u ah dadka rayidka ah ee la daalaa dhacaya baadda canshuurta sharci darrada ah iyo raashinka beeraleyda ee sida qasabka ah ay u qaataan kooxdaasi.

Beledul-Amiin waa dhul beereed ka tirsan Gobolka Sh/Hoose,waxayna 82 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan tahay magaalada Muqdisho

Previous articleDagaal xoogan oo haatan ka socda Koonfurta magaalada Baledweyne
Next articleSHIR GAAR AH OO GAROOWE UGA SOCDA MADAXWEYNE KU XIGEENKA IYO GUDDOOMIYAHA BAARLAMANKA PUNTLAND

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here