Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee dowladda ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Basra iyo deegaano kale oo ku dhow dhow, kuwaasi oo maleeshiyaadka  Al-Shabaab si dhuumaalaysi ah ay ciqaab iyo boob ugu gaysanayeen shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada dowladda ayaa laayay inta badan alshabaab ahaa ee halkaasi ku sugnaa iyo horjoogayaashii hoggaaminayay.
Waxaa sidoo kale gacanta lagu dhigay qaar kamid ah, sida warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda.

Ciidamada ayaa sidoo kale ku guulaystay inay sii daayaan dad shacab ah oo ganacsato ay ku jireen kuwaasi oo Alshabaab si Afduub ah ay u haysteen.

Faah-faahin dheeraad ah goor dhow la soco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here