Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay abaare 07:00 Fiidnimo laba qarax oo nooca gacanta laga tuuro ah lagu weeraray barkoontarool oo ku taala Xaafada Buundaweyn.

Bambaanooyinka ayaa ahaa kuwa is xigxigay oo lagu tuuray ciidamo ku sugnaa bartakoontarool oo ku taala afaafka hore ee buundada, waxaana lasoo sheegaya in labadaasi qarax ay ku dhaawacneen laba ruux oo midi askari yahay, mid ka kalana ay tahay gabar yariis ah oo ku sugneyd albaabka hore ee gurigooda oo daris lahaa bartakoontarool.

Ciidamada ayaa qaraxyada kadib riday rasaas aad u farabadan oo sii kordhisay argagaxa dadka shacabka ahaa ee ka agdhawa goobta qaraxyada ka dhaceen, waxaana bartakoontarool ee qaraxyada ka dhaceyn xalay ayaa horay uga dhacay qaraxyo bambaano oo noocaan oo kale ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka degmada Baledweyne ayaa qaraxyada kadib gaaray bartakoontarool ee bam gacmeedyada lagu weeraray caawa, waxaana la tilmaamay iney goobta ka kaxeysteen askarigii sida gaarka ahaa ugu qorna waardiga.

Weerarada bambaanooyinka noocaan oo kale ah waxaa masuuliyadeeda sheegta dagaalamayaasha Al-shabaab oo bartilmaameedsada fariisimaha ciidamada dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here