Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo is xig-xigay oo goordhow ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaraxyada oo labo ahaa ayaa jugtooda si weyn looga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho, waxaana la soo wariyey inay ka dhaceen agagaarka isgoyska Zoobe, gaar ahaan dhismaha wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo ku yaalla halkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in rag hubeysan ay gudaha u galeen dhismaha xarunta wasaaradda, waxaana laga maqlayaa rasaas xoogan, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana jira khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, maadaama goobta ay ka dhaceen ay tahay mid maqshuul badan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here