Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo kaashanaya Ciidamada hubeysan ee degaanka ayaa si rasmi ah gacanta ugu dhigay Degmada Qadiimiga ah Ee Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ay maamulayeen Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Janeraal Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa xaqiijiyay qabashada degmada Ceelbuur, isaga oo sheegay inay Caawa Ciidamadu howlgallo xoogan ka wadaan.

Advertisement

Howlgalka lagula wareegay Ceelbuur ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Guutada Cali Abii Daalib ismaaciil Cabdi maalik, Taliyaha Ciidamada Danab Gaashaanlle Ceydaruus iyo Abaanduulaha danab Gaashaanlle Maxamed Sheikh iyo Saraakiil katirsan Ciidamada degaanka.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Ceelbuur ay gaaraan mas’uuliyiin katirsan Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya igo mas’uuliyiin kale.

Previous articleDegmada Ceelbuur oo  ay la wareegtay  Ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka
Next articleRa’iisul Wasaare Xamse & kuxigeenkiisa oo gaaray Dhuusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here