Wiil yar oo da’ ahaan lagu qiyaasayo 15 jir ayaa saaka lagu arkay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ka dib markii ay baddu soo tuftay meydkiisa xala.

Wiilkan ayaa cid aqoonsato la waayay, qoyskiisana nolol iyo geeri meel kuma oga

Advertisement

Dadweyne fara badan ayaa saaka goobtaas iskugu soo ururay si ay aqoonsadan wiilkan balse illaa hadda ma jirto cid  garatay

Wiilkan oo sida muuqata baddu ay qaaday ayaa meydkiisa maro lagu daboolay inta laga helayo eheladiisa.

Dad fara badan ayaa maalmaha khamiista iyo Jimcaha u dabaal taga xeebta Liido ee  magaalada Muqdisho kuwaasoo qaarkood ay baddu qaado sababo la xiriira, iyagoo aan aqoon badan u laheyn dabaasha.

Previous articleMareykanka oo sheegay in uu duqeyn cusub ku dilay Xubno katirsan Al-Shabaab
Next articleMadaxweyne Muuse Biixi & Wafdigiisa ayaa lagu soo dhoweeyey Burco

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here