Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar qaraxyo ku billaawday oo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda ku leeyihiin degaanka Geedweyne oo katirsan Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland.

Goobjoogayaal ku sugan degaanka Goodweyne oo hoostaga degmada Doolow ayaa sheegay in qaraxa kadib uu dhacay dagaal xooganaa oo socday ku dhawaad saacad kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Advertisement

Waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka wallow aan weli laga helin faah faahintas rasmiga ah, isla markaana saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gobolka Gedo aysan weli ka hadlin.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Geedweyne oo katirsan Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada xoogga dalka ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan Xubnihii ka tirsanaa Al-Shabaab ee soo weeraray.

Previous articleDFS iyo Jubbaland oo ka wada hadlay u gurmashada dadka kunool degaannada Jubbaland
Next articleErgada diblumaasiyadeed ee galbeedka Afrika u jooga Niger si ay u raadiyaan sii deynta iyo dib u soo celinta madaxweynaha dalka, Mohamed Bazoum

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here