Madaxwaynaha dowladda Fedraalka ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka warbixiyay halka uu marayo howlgalka ka dhanka ah Al-shabab.

Xasan Sheekh oo shalay jeediyay khudbad uu ugu talagalay sanadka cusub ayaa waxa uu ku sheegay in howlgallada ay marayaan meel wanaagsan uuna rajeynayo “in sanadkan 2023-ka uu Soomaali u noqdo mid barwaaqo u horseeda”.

“Muddadii koobnayd ee talada dalka aannu gacanta ku haynay oo aan aniguna odayga ka ahaa waxaan abaabulnay oo aan ka shaqeynayay in [lala safto] dad weynahana u istaagay in si abaabulan loo beegsado nimanka khawaarijta ah oo 15-kii sano ee la soo dhaafay dadka Soomaaliyeed ciriiri iyo cabsi ku hayay,” ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Madaxweynuhu sheegay in guulaha ilaa hadda la gaaray ay horseedeen rayidka is xilqaamay.

“Alle ayaa mahad iska leh ka dib dadka Soomaaliyeed oo sabab u ah in guushaan la gaaro. Dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxay u istaageen inay iska qabtaan khawaarijta”.

Waxa uu khudbaddiisa uga warbixiyay heerka uu hadda marayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee uu ku dhawaaqay markii dib loogu doortay xilka.

“Hadda dagaalka meel fiicaan ayuu maraya gebagabdiisa ayaa dhow sannadkan 2023-kana waxaan rajeynaya inuu noqdo sannadkii Soomaaliya ay barwaaqo noqon lahyd,” ayuu yiri.

Madaxwaynaha ayaa dhanka kale sheegay in dowladiisa ay waddo qorshe ay amniga dalka ugala wareegayso ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, waxaana uu tilmaamay in  ay ka go’an tahay in amniga dalka ay kala wareegaan Atmis dabayaaqada sanadka 2024-ka.

Haddaba dhowrkii bilood ee u dambeeyay ee sanadkii aan soo dhaafnay waxaa Al-Shabab lagala wareegay dhul ballaaran oo muddo badan ay ka talinayeen.

Haddii sanadkan 2023 uu howlgalkan sidaan ku sii socdo, maxaa la filan kara? haddii se gaabis yimaado maxaa iyadana dhici kara?

Axmed Kaboole oo ka faallooda arrimaha ammaanka Soomaaliya oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay inay ku xiran tahay hadba sidii qorshaha dagaalka uu u sii socan lahaa.

“Dowladda Soomaaliya markii ay xafiiska la wareegtay waxay bilowday olole ay ku guuleysteen oo ahaa in shacbka la kaashado oo dhibaatada  Al-shabaab la iska dul-qaado sababtoo ah safiican ayay u garab istaageen shacabka dagaalka lagula jiro Alshabaab islamarkaasne qaraxyada ka yaraadaan magaalada muqdishu.

Maxay yihiin Sababaha xilligan keenay inay shacabku dagaallamaan?

Cabdisalaam Guuleed ayaa aamisan in Al-Shabaab oo shantii sano ee la soo dhaafay “xadkii dhaafisay cadaadiska ay dadka ku hayso” ay ugu wacan tahay arrintan. Wuxuu tusaale u soo qaatay “canshuuraha iyo culeyska saa’idka ah ee kooxdaas” ay noqdeen arrimo ay dadku xamili waayeen.

Waxaa intaas dheer lacagaha iyo xoolaha nool ee ay ka qaadaan shacabka iyo in qoysaska ay ka dalbadeen wiilashooda in si khasab ah ay uga mid noqdaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, sida uu sheegay Cabdisalaam, taas oo ay dadku ka gadoodeen.

Tan iyo markii uu madaxweynaha Soomaaliya la wareegay xilka wuxuu muujiyay in ay ka go’an tahay dowladdiisa inay garab ku siiso shacabka sidii ay deegaannadooda uga xoreyn lahaayeen Al-Shabaab, taas oo uu Cabdisalaam u arko arrin kale oo dhiirrigelisay maleeshiyaadka qabaa’ilka.

“Waa taas sababta geesinnimo-gelisay dadka, isla markaana keentay inay ku kalsoonadaan inay awood u leeyihiin la-dagaallanka Al-Shabaab,” ayuu yiri.

Dhanka kale Xildhibaan Cabdimaalik Cabdalla oo ka mid ah madaxda hormuudka ka ah dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo mar sii horreysay wareysi siiyay BBC-da isagoo ku sugan degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan. Waxa uu ka hadlay sababta hadda keentay in ay shacabku hubka qaataan si ay ula dagaallamaan Al-Shabaab.

“Maaddaama degmooyinkan ay go’doonsanaayeen muddo 13 sano ah, dadkii ayaa daalay, dadku nolol ayay rabaan, carruurtoodii ayaa la laayay, xoolahoodii ayaa la dhacay oo la leeyahay waxaa loo qaatay ‘sako’, marka kacdoonka halkan ka dhacay waa kacdoon shacab oo ay dowladdu hoggaamineyso.

Wuxuu sheegay in ay rajo fiican ka qabaan, kuna faraxsan yihiin garab istaagga dowladda.

“Runtii aad ayaan ugu faraxsannahay garab istaagga dowladda, waana aaminsan nahay inay wax badan soo kordhinayaan,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdimaalik.

Waxa uu meesha ka saaray in hubka ay isticmaalayaan dadka shacabka ah uu dhibaato keeni karo xitaa haddii ay guuleystaan.

“Dadkan horay ayey u hubeysnaayeen, cid ay khatar ku ahaayeenna ma jirto, tanina micnaheedu ma aha in dowladdu ay hubeyneyso maleyshiyaad ama beelo gaar ah. Hal beel ma aha waxa ka dagaallamaya meeshan, waa dadkii deegaanka oo ugu talogalay inay isxoreeyaan, dowladdana uma maleynayo inay dhibaato kasoo gaareyso haddii ay garab istaagto,” ayii yiri.

Howlgalladan oo uu ku tilmaamay kuwo uu noocoodu dhif yahay ayuu Cabdisalaam sheegay in ay dadku walaac ka muujinayaan sida ay ku dhamaan karaan, inta ay sii socon karaan howlgallada ay maleeshiyaadka qabaa’ilku hoggaaminayaan iyo sida ay awood ugu sii yeelan karaan sii wadistooda.

“Dadku waxay aad isu waydiinayaan haddii sidaan la sameyn karay maxay muddadaas oo dhan u qaadatay?,” ayuu iswaydiiyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here