Wareysi wax uu ku sheegay balse ahaa Fadhi ku dirir la duubay oo nin u jiibinayaa warka ka gurayo ayuu Faarax ku eedeeyey Mudane Cabdullaahi Ciise inuu ahaa shisheeye kalkaal u adeega gumeysiga madoow ee itooobiya.

Faarax ayaa soo xigtay buug uu qorey wiil itoobiyaan ah oo uu dhalay wasiirkii arrimaha dibadda ee itoobiya waagaas. Waxa uunna eeda ka dhigay, in Cabdullaahi u dhiibay warqadii go’aanka ee Madaxweyne Aadan Cadde iyo Ra’iisalwasaare Cabdirashiid, oo ahayd in aysan sinna u yeelayn in itoobiya noqoto xarunta midowga Afrika.

Eedaas oo aan si walba haddii loo eego noqonayn mid laga dhigan karo marmarsiinyo waayo Cabdullaahi Gumeysigii Caddaa ayuu Af iyo addinba kula dirirey, waxa uunna horseed ka ahaa gobonnimadii dadka soomaaliyeed.

Haddaba waa kuma Faarax Macallin, Faarax waa nin qaayibay madiidinimada kenyaatiga, waa nin ku qanacsan gumeysiga dhulkiisa lagu haysto, waa nin u adeega u shaqeeya, waa ninkii shalay ku goodiyey soomaaliya ayaan qabsaneynaa, ninka sidaa ah ayaa leh, hebelbaa dalka iyo dadka dhagrey oo shisheeye u adeega!

Aan is weydiine waa maxay sababta aynu colka ulana nahay itoobiya? Saw maaha dhulka gumeysigu u qayday ee ay naga haystaan? Haddaba dhulkeenna NFD ayaa u oggolaaday Kenya? goorma ayay yeelatay? maxayse labada gumeysi ee madoow ku kala duwan yihiin?

Itoobiya intii gumeysigu siiyey ayay weli joogtaa, waxa aanse marag ka nahay in Kenya maanta bad iyo beriba nagu haysato, haddaba isaga oo kuwaas ku abtirsada ayuu Faarax Macallin doonayaa inuu dad dalkan iyo dadkaan naftooda u hurey uu aflagaadeeyo.

Isweydiinta ayaa ah, Faarax ma rumaysan yahay in Kenya gumeysi tahay, sida uu ugu arko in itoobiya Gumeysi tahay?

Dadka degan gobolka soomaaligalbeed wax badan ayay dirireen ilaa maantana halgan bay ku jiraan, yaa arkay Faarax oo halgankaas oo kale wada? Faarax, Aabbihiis, Awoowgiisba waxa ay oggolaadeen in ay ahaadaan madiidin Kenya ku hoos nool.

Cabdullaahi Ciise dalkiisa ayuu halgamay isaga oo madax bannaan oo gob ahna wuu dhintey, balse Faarax isaga oo gun ah ayuu nool yahay isagoo gun ahna wuu dhimanayaa, weligiis inuu calooshiisa u halgamo maahine, dan soomaaliyeed uma halgamin.

Waxaa aan qoraalka ku soo afjarayaa Faaraxoow haddaad gumeysi diid tahay hoostaada iyo hareerahaaga eeg oo hadda kansho ayaad haysataaye dadkaaga heeryada saaran ka qaad, oo nacab Kenya kaaga weyni ma jiree iyada iska celi.

Bulshada soomaaliyeed waa ogtahay qofka aad tahay iyo qofka uu ahaa Cabdullaahi Ciise.

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here