Faaryahanada Soomaaliyeed ee Ramla Cali ayaa shaacisay in laga hor istaagay tartan ay uga qeygeli lahayd Dalka Mareykanka markii loo diiday Visaha Dalka ku galka ah.
Barnaamijkaan ayay sheegtay inay isugu imanayaan feeryahano waa weyn oo caalamka caan ka ah ,waxaana si toos ah looga daawan doono Netflix.
Tartankaan oo dadka xiiseeya ay isha ku hayaan ayaa kulanka ugu adag wuxuu u dhexeeya Anthony Joshue oo ah feeryahankii hore ee labada jeer ku guuleystay biladda feerka culus kaasoo u dhashay dalka britain iyo Youtuber-ka isku beddelay feeryahanka Jake Paul.
Dhanka kale Ramla Cali oo dhawaan markii ay timid Muqdisho aad loo maamuusay oo ilaa Madaxtooyada qaranka ay tagtay markii uu casuumay Madaxweynaha Somaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa hada ku dhawaaqday in markii ay Somalia ka soo tagtay la iska hilmaamay.
Feeryahanad Ramla Cali waxay Dowlada ka dalbatay in loo soo saaro baasaboorka diblomaasiga Soomaaliya si ugu sahlanaato tagista Dalka Mareykanka,waxaana durba ka hadlay Wasiirka Ciyaaraha Soomaaliya Maxamed C/qaadir kaasoo ka dhawaajiyay inay u dalbeen baasaboorka shaqaalaha madaama dadka ka shaqeeya adeegga Qaranka ay kaas qaataan .
Wasiirka wuxuu cadeeyay in Baasaboorka Diblomaasiga ee ay Ramla dalbatay kaliya la siiyo dadka diblomaasiyiinta,lamana oga in waqtiga ay Dowlada ku qaadan doonto in Ramla loo soo saaro Baasaboorka shaqaalaha kaasoo ku dhaw dhaw kan diblomaaasiga madaama isaga laftigiisa tixgelin la siiyo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
